DHAGEYSO: Fesoj “Cid Walbo Oo Sharciga Saxaafada Diidan Waa Soo Dhaweeneynaa”

Xoghayaha Ururka Iskutaga Saxafiyiinta Soomaaliyeed Ee FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu oo wareysi siiyey Maanta Idaacada Kaah Ee Muqdisho ayaa sheegay inay ka war hayaan Warbixinta laga gudbiyey Sharciga Saxaafada Soomaaliya.

Mooshinkaan ayaa waxaa hadda haya oo gacanta ku dhigay Gudoonka Baarlamaanka UK kuwaas oo ka dhiidhiyey Sharciga Saxaafada Soomaaliya iyo Khaladaadka ku jira.

Macalimuu waxa uu Kaah Radio Usheegay inay cid walbo oo arintaan iyo sida looga hortegi karo Saxiix uu ku shaqeeyo Sharcigaan Madaxweyne Farmaajo.

Waxay Ururka FESOJ sheegeen inay waxyaabaha khaladaadka ku jira Sharciga ay meel mariyeen Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya ka mid ah in lacag dabaaji ah laga rabo Idaacad markii la furayo iyo caburin kale.

Mar aan weydiinay Su’aal aheyd sida ay u arkaan Ururada kale ayuu sheegay inay ka mideysan yihiin diidmada Sharcigaas.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Awood ahaan Sharcigaan uu siinayo Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya rajana ay ka qabaan Ka Fesoj ahaan in Madaxweynaha uusan saxiixin,oo Labada Aqal Baarlamaanka Dib u eegis lagu sameeyo.

HOOS KA DHAGEYSO WARBIXIN BAARI UU DIYAARIYEY

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply