DHAGEYSO: Sidee Loo Wajahay Maxkamadeyntii Maanta Wariye Abuuja?

Wariye Maxamed C/wahaab Nuur (Abuuja) ayaa waxa maanta la hor geeyey Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya.

Kiiska Wariyahaan ayaa ah mid lagu soo oogay Eed ah inuu katirsan yahay Al Shabaab Dil ka dhacay Muqdisho 2019-kiina uu ka qeyb qaatay.

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa shaacisey bilo ka hor in Wariye Abuuja loo heysto Al Shabaab uu katirsanaa,iyadoo Idaacad lagu magacaabo Hiigsi uu Tifaftire ka ahaa,

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Go’aanka Maxkamadda ay dib ka soo shaacin doonaan.

Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Ee SJS Cabdalla Axmed Muumin Oo goob joog ka ahaa Dacwada la dhageystay Wariyaha loo heystay ayaa Radio Kaah uga waramay waxa ka dhacay maanta Maxkamada.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA XOGHAYAHA AAN LA YEELANAY

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan I am the administrator of this radio, you get from our radio latest news, sports, livestream etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *