DHAGEYSO: Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalka Duleedka Kismaayo

Xaalada ayaa waxay weli tahay mid cakiran islamarkaana dagaalka uu yahay mid sii socda Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Dad kusugan Deegaanada Fuuma iyo Koonyaame ayaa waxay sheegeen inay jiraan Khasaaro kala duwan,dhimashada ayaa kabadan 10 Qof halka dhaawaca uu ku dhaw yahay 20 Kale.

Si Gaar ah hadii aan tilmaan kaga bixino Goobta lagu dagaalamayo ayaa waxay tahay Aagga Garoonka Diyaaradaha Kismaayo,iyadoo Caanihii ka imaan jiray Deegaanadaasi istaageen oo maanta Gabaabsi dhinaca Caanaha La dareemayo.

Odayaal iyo Waxgarad kulan ku yeeshay Kismaayo waxay dalbadeen inay joojiyaan dhinacyada isku haya Dagaalkana uu ku dhexmarayo Deegaanada Galbeedka Kismaayo.

Deegaanada lagu dirirayo ayaa waxa lasoo sheegayaa in weli Gurmad kala helayaan dhinacyada Is haya,taas oo laga digayo in Dagaalka uu sii socco.

Maamulka Jubbaland waxay sheegeen inay ku kala dhex dhigayaan Ciidan Maleeshiyo Beeleedka Dagaalamaya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply