Dhalooyin Qamri Ah Oo Maanta Lagu bur buriyey Caabud Waaq

Howlgal Ay Sameeyeen Ciidamada Amniga Magaalada Caabud Waaq Ee Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay inay kusoo qabteen waxyaabo maanka dooriya.

Dhalooyin Qamri ah ayaa lasoo bandhigay taas oo Amniga iyo Bey’ada lagu sheegay inay Caqabad ku ahaayeen iyadoo fagaaro Magaalada ku yaalla lagu bur buriyey.

100 Ku dhawaad ayey Qamrigaas ahaayeen,xaafadaha Magaalada Caabud waaq ayaana laga soo kala qabtay oo dad ayaa ka ganacsanayey.

Taliska Booliska Magaaladaasi waxay sheegeen inay sii wadi doonaan la dagaalanka kuwa waxyaabaha maanka dooriya Bulshada ku dhex iibinaya,fasahaadkana Mujtamaha usoo jiidaya.

Sargaal u hadlay Taliska Booliska Caabud Waaq waxa uu fariin udiray dadka caadeystay Qamriga iyo Calaqa inay Isticmaalaan ama ay ka ganacsadaan,iyadoo ay sheegeen inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan qofkii lagu arko.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply