Wasiiru dowlihii Madaxtooyada Puntland Oo Ku Geeriyooday Garowe

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladda Puntland-ba ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Marxuum Maxamed Xasan Ciise oo saaka ku geeriyoodey caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, Golaha Xukuumadda, shaqaalaha Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Marxuum Maxamed Xasan Ciise.

Madaxweynuhu, waxa uu Alle “SWC” uga baryey marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Puntland iyo ehelkiisiiba.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan I am the administrator of this radio, you get from our radio latest news, sports, livestream etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *