Weerar Lagu Dilay 10-Qof Oo Markale ka Dhacay Congo….

Dagaalyahanno la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxaha islaamiyiinta ayaa Markale ugu yaraan 12 qof ku dilay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah.

Dadka La Xasuuqay Ayaa Ubadnaa Beeraley Iyadoo warar iskhilaafsan Ay Kasoo Baxayaan Falkan oo dawladu Ay La Xiriirisay Kooxaha islaamiyiinta, Hayeeshee Shacabku Ay Qabaan In Ay Tahay Falalka Qawmiyadaha Oo Kusi Kordhaya Dalaksi.

“Dagaalyahanada xoogaga ADF waxay ku xasuuqeen beeraleyda tuulada Mabule beerahooda,” Donat Kibuana, oo ah maamulaha gobolka Beni ee waqooyiga Kivu, ayaa u sheegay AFP.

Weerar Kan Lacayn Ah ayaa 21 qof oo rayid ah Lagu dilay 5-tii Febraayo magaalada Rwenzori Ee isla Dalkaasi jamhuuriyada Dimuquraadiga Congo.

Xafiiska xuquuqul insaanka Qaramada Midoobe ee DRC ayaa Arbacadii sheegay in ciidamada difaaca iyo kuwa amaanka ay sameeyeen “dadaal badan oo laga Hortagayo Weerarada Sii Kordhaya Ee Dalkaasi.

Si kastaba ha noqotee, Hay’adu waxa Ay Sheegtay In 468 Ay Ku Dhinteen Weerarada Dhacay Sanadkii Ina Dhaafay 2020, oo ay ku jiraan 108 haween ah iyo 15 carruur ah. Sidoo Kale Tirada Ayaa Kor Udhaafaysa Kun Qof Tan Iyo 2014KII.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply