Xarun lagu Xanaaneenayo Haramacadka Oo Laga Furay Hargeysa

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa daahfuray Xarunta xannaanaynta iyo daryeelka Xayawaanka Harimacadka.

Munaasabadaan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miiga ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay qaar kamida Golaha Wasiirada, Agaasimayaal guud iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay muhiimada ay leedahay furitaanka xaruntan lagu daryeeli doono laguna xannaanayn doono Xayawaanka Harimacadka oo beryihii u danbeeyey ay aad u badnayd Tahriibintiisu, taasi oo uu sheegay inay xukuumaddu aad uga hawl gashay.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu u mahadceliyey Ciidamada kala duwan ee qaranka iyo Wasaaradda Deegaanka, sida wanaagsan ee ay uga hawlgaleen ilaalinka Xayawaankaasi oo faa’iido weyn u leh dalka kana mida xayawaanada adduunka kasii dabar go’aya.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply