Jubbaland Oo Noqotay Maanta Meesha Ugu badan Oo Covid 19 Laga Soo Calaamadeeyey

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisey tiro kale oo badan Galabta oo laga helay Dad gaaraya 71 Qof oo Cudurka Covid 19 uu ku dhacay.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur waxay sheegtay in Cudurka ay maalin kasta wacyi gelin Bulshada la wadaagaan hadana waa ay sii kordhayaan dadka cudurka soo ridanayo.

Waxaa Markaan Dadka ugu badan ay kusugan yihiin Maamul Gobolleedka Jubbaland,iyadoo 46 Qof laga soo calaamadeeyey.

HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo aan maanta kiisaska Covid 19 laga soo gudbin allaha naga yasiree,tirada Guud Ee Cudurka Ku dhacay Soomaaliya waxay gaarayaan iminka 1573 Qof.

Ministry of Health- Somalia

20 May 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

> Laga Helay: 71
> Jubbaland: 46
> Benadir: 17
> Puntland: 6
> Somaliland: 2

> Lab: 52
> Dhedig: 19
> Bogsasho: 10
> Dhimasho: 2
——————————–
> Tirada Guud Laga Helay: 1,573
> Bogsashada Guud: 188
> Dhimashada Guud: 61

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply