Madaxda Puntland & Galmudug Oo Gacmaha isku qabsaday La Dagaalanka Al Shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo warbaahinta ugu warramayey magaalada Gaalkacyo ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in Galmudug iyo Puntland ay iska kaashan doonaan arrimaha amniga, isaga oo xusay in wax fursad ah aysan sii doonin dhinacyada Dawladnimada diidan sida ay warka udhigeen.

Sidoo kale wuxuu wacad ku maray in ciidamada ay howlgallo wadajir ah ka bilaabi doonaan gobolka mudug, Bari iyo Galgaduud oo labada maamul ay kawada arimiyaan.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa siiwatay ayaa intaasi ku daray in Al Shabaab ay sii huriyaan  dagaal beeleedyada ku soo noqnoqday deeganada Galmudug iyo Puntland ay ka arimiyaan.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland ay kulan xasaasi ah ku yeesheen waqooyiga Gaalkacyo, iyaga oo isku afgartay xoojinta amniga labada maamul.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply