Somaliland Oo War Kasoo Saartay Dilka Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Ee Sool

Somaliland Oo War Kasoo Saartay Dilka Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Ee Sool

Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland ayaa ka hadlay Dil xalay gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool loogu geystay Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Somaliland ee Gobolkaas Cabdullaahi Maxamed Shire Laba-gole.

Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa tacsi u diray qoyskii, Asxaabtiis, shacabka Gobolka iyo Kommishinka doorashooyinka ee uu ka baxay Guddoomiye Laba-gole oo ay toogteen dabley hubeysan.

Read More