Is rasaaseyn Maanta Duhurnimadii Ka Dhacday Dhuuso mareeb+Khasaaraha

Ciidamo Daacad u ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa rasaas kala maanta duhurnimadii ciidamada Meliteriga Qeybtooda 21aad.

Magaalada Dhuuso mareeb ayaana lasoo sheegayaa in rasaas daqiiqado socotay laga maqlay kadib dhagax dhig laga sameyn lahaa Xarunta 21aad oo Madaxtooyada Galmudug in laga dhigo la rabay,balse ay diideen arintaas ciidankii halkaasi hore ujoogay.

Dad kusugan Magaalada Dhuuso mareeb waxay sheegeen inay weli jirto xiisada ka dhalatay is rasaaseyntaasi.

Ciidamada Meliteriga iyo kuwa ilaalada u ah Madaxweyne Qoor qoor ayaana la sheegay in is rasaaseynta ay dhexmartay,waxaana inta la og yahay ku dhintay Labo Askari oo Dawlada Soomaaliya katirsan.

Xiriir aan la sameynay Mas’uuliyiinta Galmudug Ee Dhuuso mareeb kusugan waxay sheegeen inay warbaahinta la wadaagi doonaan xiisada markii ay degto.

Wixii Soo kordho dib kala socda insha allaah

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply