12 Qof Oo Dhintay Halka 21 Kale dhaawacmeen Shil Ka dhacay Dalka Nepal

Inta la og yahay 12 Qof ayaa dhintay iyadoo 21 Kale ay dhaawacmeen Kadib Shil gaari oo maanta ka dhacay Caasimada Dalka Nepal Ee Kathmandu.

Dhul keymeedka Thuriya ayuuna marayey Gaariga shilka galay,waxaana loo gurmaday dhaawacyada oo qaar ahaa kuwo culus.

Taliyaha Ciidamada Booliska Degmada Banke Oo Shilka ka dhacay Bir Bahadur Oli ayaa saxaafada usheegay in ay dhimashada xaqiijiyeen 12 Qof.

Gaari caasi ah ayuu ahaa oo dad ka badan intii loogu talo galay saarnaayeen iyadoo Xawaare Sare lagu kaxeeenayey marka uu shilka galayey.

Waxa gaariga uu kusii socday Xaduuda Dhinaca Nepal La wadaagto Dalka Hindiya,waxaana wararku sheegayaan in ay ahaayeen muhaajiriin doonayey inay Dalkaasi iskaga huleelaan.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply