1200 Qof Ayey Tirada Covid 19 Ee Soomaaliya Kor Udhaaftay

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxay ka hadashay Xogta Warbixintii ugu dambeysay dadkii laga baaray Caabuqa Corono Ee Soomaaliya.

Weli Muqdisho ayaa waxay tahay meesha ugu badan Ee Cudurka Covid 19 dadka soo ridanayo,iyadoo maalin walbo tiro hor leh la shaacinayo.

Ragga ayaa ka badan mar kasta dadka Cudurka uu ku dhacayo,waxaana weli dhimashada ay tahay sideedii oo waxba masoo kordhin,Afar Qof ayaa soo bogsatay.

Wacyi Gelinta Cudurka iyo in laga feejignaado ayey weli Wasaarada Caafimaadka Wadaa,xilli dadka cudurka ku dhacayo ay sii kordhayaan marba marka ka damebyso dadka cudurka soo ridanayo.

Halkaan hoose ka akhriso Warbixinta Cudurka iyo sida ay dadku kala yihiin

49 Kiis Oo Cusub ayaa soo kordhay

38 Waxay yihiin Rag

11 Waa Dumar

26 waxay joogaan Muqdisho

9 Qof waxay kusugan yihiin Koonfur Galbeed Soomaaliya

8 waxay joogaan Puntland

6 waxaa ay kusugan yihiin Soomaaliland

Afar Qof ayaa ka caafimaaday Cudurka 24-kii Saac lasoo dhaafay

1219 Ayey Tirada Guud Ee Cudurka Ku Haayo Soomaaliya isku tageysaa

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply