15 Dalxiisayaal Talyaaniga Udhashay Oo Cudurka Corono Looga Helay Dalka Hindiya

Dalka Talyaaniga Dadka udhashay waxaa lasoo sheegayaa in ay qaati ka taagan yihiin faafida Cudurka Corono Virus-ka,dad badan ayuuna soo ritay.

Baaritaan lagu sameeyey 15 muwaadin oo Talyaaniga kasoo jeeda ayaa Hindiya markii ay ka deggeen laga helay dhamaantood Caabuqaas.

Warbaahinta Hindiya ayaa Maanta oo Arbaco ah sidaas shaacisey,iyadoo meelo gaar ah la geeyey 15 Qof Ee Talyaaniga ahaa.

Warbaahinta Gudaha Hindiya gaar ahaan mida lagu magacaabo Doordarshan ahna Telefishin gaar loo leeyahay ayaa sheegay in 21 Dalxiisayaal Talyaani ah oo Caasimada Hindiya Ee New Delhi yimid laga baaray Caabuqa COVID19-ka.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Xigasho: www.straitstimes.com

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply