22 Sano Kadib Oo Ra’iisal Wasaare Cusub Loo Magacaabay Dalka Burundi

Baarlamaanka Burundi ayaa waxay Meel mariyeen Magacaabida Madaxweyne Kuxigeenka Dalkaas ahna Ra’iisal wasaaraha Dalka as.

Madaxweynaha Cusub ayaa loo doortay Evariste Ndayishimiye iyadoo warbaahintu ay sheegayaan dalkaasi in arimo badan lagu xasuusto.

Bogga Twitter-ka ayuu Madaxweyne Ndayishimiye ku sheegay in uu xil culus qabtay kana mahad celinayo sida Baarlamaanka u ansixiyeen oo codka ay usiiyeen isaga.

Dalka Burundi ayaa tan iyo sanadkii 1998-dii kadib yeeshay markii ugu horeysay Ra’iisal Wasaare Cusub kaas oo 22 Sano kadib ay noqoneyso.

Ra’iisal Wasaaraha Cusub ayaa ah  Alain-Guillaume Bunyoni baarlamaanka ayaa isna kalsooni siiyey si uu gole wasiiro usoo magacaabo Xukuumadiisa Cusub.

Isbuucii lasoo dhaafay ayaa Ndayishimiye loo caleemo saaray inuu noqdo Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Burundi,kadib geeridii ku timid Bishaan Madaxweynihii Sanadaha Badan Soo xukumayey Waddankaas Pierre Nkurunziza.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply