DHAGEYSO: Taliska Asluubta Oo Shaaciyey In kudhawaad 20 Qof Lagu Dilay Xabsiga Dhexe

Sida uu sheegay maanta shir jaraa’id uu qabtay afhayeenka Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdi Qani Maxamed Qalaf ayaa waxa uu shaaca ka dhigay in kudhawaad 20 Qof ay ku dhinteen Iskahorimaadkii isniintii shalay ka dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe Xamar.

Waxa uu Afhayeenku sheegay in 15 Maxaabiis ah iyo  iyo Afar Katirsanaa Askarta Asluubta ay ahaayeen kuwa dhintay,tiradooduna ay ka dhigan tahay 9 Qof,iyadoo 7 Maxaabiis ah iyo Askari oo iyaguna dhaawacmay.

Taliska Asluubtu waxay sheegeen in Xaaladu ay caadi kusoo laabatay islamarkaana ay ciidanku yihiin kuwo howlahooda guda galeen.

Hadalo iska soo horjeeday ayey Mas’uuliyiinta Dalwada si hordhac ah usheegeen tirada dadka ku waxyeeloobay tacshiiradaasi,Taliyaha Asluubta General Mahad C/raxmaan iyo Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta ayaana tiro ka yar inta Maanta lasoo gudbiyey hore saxaafada ula wadaagay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN XASAN XAYI SOO JEEDINAYO

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply