Qarax Qasaare Geestay Oo Muqdisho Ka Dhacay.

Qaraxan Oo Ahaa Miinada Nuuca Dhulka Lagu Aaso Ayaa Barqanimadii Maanta Ka Dhacay Inta Udhaxaysa Beerta Qaadka Iyo Isgoyska Ex.Control Afgooye Ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Dad Goobjoogayaal Ah Ayaa Sheegay In Qaraxa Lala Eegtay Gaari Nuuca Somalidu Utaqaan Hilux Ama Qooqan Oo Marayay Aagasi.

Warar Kala Duwan Ayaa Kaso Baxaya Cida Lahayd Gaariga La Qarxiyay Iyadoo Wararka Qaarkood Ay Sheegayan In Gaariga Ay Lahaayeen Shaqalaha Turkida Ee Dhisaya Jidka Dheer Ee Xiriiriya Magaalada Muqdisho Iyo Degmada Afgooye.

Inta La Xaqiijiyay Qof Shacab Ah Oo Goobta Marayay Ayaa Ku Geeriyoday Iyado Aan La Ogayn Qasaraha Inta Ka Dheeriga Ah Ee Ka Dhashay Qaraxaasi.

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Amanka Ayaa Gaaray Goobta Uu Qaraxu Ka Dhacay Waxaana Ay Mudo Kooban Hakad Galiyen Isu Socodka Dadka Iyo Gaadidka.

Qaraxyada Nuucyadooda Kala Duwan, Dilalka Iyo Guud Ahaan Falalka Lidiga Ku Ah Amniga Ayaa Malmihi Laso Dhaafay Kusi Kordhaya Casimada Muqdisho Iyo Duleedkeeda Iyado Qaraxan Uga Danbeyana Aysan Ka Hadal Dawlada Somalia.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply