36 Sano Kadib Roobkii Ugu Saameynta Badnaa Oo Ka Da’aya Magaalada Karaaji Dalka Bakistaan

Roob Mahiigaan Ah ayaa ka da’ayey Bishaan Agoosto Gudaha Dalka Bakistaan gaar ahaan Magaalada Dekada Leh Ee Karaaji,iyadoo Khasaaro uu ka dhashay.

Cimilada weli waa Jawi Roobaad,Daruur ayaa cirka ku dahaaran,iyadoo Talaadadii shalay Biyaha Roobka ka dhashay Xareeda iyo Daadad soo rogmaday ay kor udhaafeen Xadi ahaan 345 Milimiter.

Roobkii ugu dambeeyey waxaa ku dhintay Afar Qof sida warbaahinta Dalkaasi tebiyeen.

Muddo 36 sano waxay tahay midii ugu darneyd Ee Dalkaasi Roob Saameyntani leh ka da’o,iyadoo Sanadkii 1984-kii la sheegay in Biyaha ay gaareen markaasi 298.4 Milimitir.

Wasiirka laga soo doorto Gobolka Siindhi Ee Karaaji Caasimada utahay ninka lagu magacaabo Sayid Muraad Cali Shaah ayaa Warbaahinta usheegay in Dawladu ay gurmad ballaaran usameyneyso dadka uu saameeyey Roobka da’ay.

Dad badan ayaa lasoo gurmaday qaarna waa lasoo bad baadiyey,welina qaar baa u baahan caawinaad Dawlada Bakistaan ay usameyso.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply