390 Qof ayey Gaartay Dadka Cudurka Covid 19 Kusoo Ritay Soomaaliya

Dawlada Soomaaliya waxay shaacisey in Cudurka Corono uu kusoo saa’iday 62 Qof oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay laga helay Cudurka.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in 62 Qof Ee laga helay Cudurka ay 44 ka mid ah yihiin Rag halka 18 ay Dumar yihiin.

Wasiir Fowsiya waxay sheegtay in tirada guud Ee Soomaaliya Cudurka Covid 19 laga helay 390 Qof iyadoo dhimashada ay labo qof 24 saac la xaqiijiyey,waxaana 18 ay gaartay dadka cudurka Dalka gudihiisa ugu dhintay.

10 Qof ayaa kasoo biskootay ama kasoo caafimaaday Cudurkaan sida ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply