46 Qof Oo Kiisas Cusub Laga Helay Covid 19 Gudaha Soomaaliya

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxay soo saartay Warbixin la xiriirta Xaalada Cudurka Corono iyo heerka uu gaarsiisan yahay Saacadihii lasoo dhaafay.

Tirada waxay Shalay Sabtidii aheyd 390 Qof balse 46 Qof Horleh ayaa lasoo bandhigay oo Cudurka Covid 19 uu ku dhacay 24 Saac ee udambeysay.

Wasiir Fowsiya waxay sheegtay in 33 Rag ah iyadoo 13 ay Dumar yihiin,iyadoo Da’dooda ay udhaxeyso 20 ilaa 30 jir.

Tirada Guud Ee Cudurka laga helay waxay gaartay 436 Qof Cudurka,Ma jirto Cid udhimatay Caabuqa Saacadii lasoo dhaafay,mana aysan soo gudbin Wasaarada dad ka biskooday ama ka caafimaaday Cudurka.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply