5 Qof Oo Roob & Biriq Ay ugu Dhinteen Dalka Bakistaan

Roob Mahiigaan ah ayaa ka da’ay dhul keymeedka Magaalada Karachi Dalka Bakistaan,ilaa Talaadadii ayuuna si xiriir ah u da’ayaa.

Jimcihii shalay waxaa la ogaaday in Shan Qof ay daadad ka dhashay Xareeda Roobka ay qaadeen oo meydkooda la helay saacado kadib.

Koox katirsan bad baadiyeyaasha ayaa sheegay in Labo Qof oo aan qaan gaarin ku jiraan dadka la helay Meydkooda ee roobku sababsaday.

Waxa dadka qaar dilay Biriq Ama Jac ku haleeshay Deegaanka Memon Goth halka Labo Kale ay udhinteen Dabeylo iyo daad ku rogmaday.

Webiga lagu magacaabo Lyari ayaa kar kaarada Jabsaday sida aan xogta ku helnay.

Kooxda Cilmiga Juqraafiga uqaabilsan Dawlada Bakistaan waxay sheegeen in maalmaha soo socda ilaa isniinta la filayo roobka uu sii di’i doono.

Karachi ayaa ah Caasimada Gobolka Sindh iyadoo magaaladani tahay Mid Bad Leh.

Waxaa soo tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply