7 Askari Oo Kufsi ay Gabar 13 Jir u Geysteen Oo Xabsiga Loo taxaabay Dalka…

Todobo Askari oo katirsan Ciidanka Dalka Kolombiya ayaa hadda wajahaya Fadeexad ah inay Kufsi ugeysteen Gabar 13 jir aan qaan gaarin.

Waa mid aad dhegaha looga qabsan karin catowga kasoo yeeraya dadka Ehelka u ah Gabadha dhibanaha ah,iyadoo taas ay sababtay in Ciidankaasi la xiro.

Maxkamad ku taalla Caasimada Kolombiya Ee Bagoota ayaa waxa kasoo muuqan doona dhawaan 7 Askari Ee falkaasi lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen.

Warsidaha New York Times ayaa sheegaya in Afhayeen u hadashay Ciidamada Meliteriga ay ballan qaadeyso sidii sharciga waxa uu qabo Askartaasi la waafajin doono.

Waxaa Majalada The Gaadhiyaan Ee Ingiriiska kasoo baxda sheegeysaa in laga yaabo Askartaasi in lagu xukumo Xabsi gaaraya 16 ilaa 30 sano inta udhaxeysa.

Isbuucii lasoo dhaafay Maalintii Isniinta aheyd ayaa waxa laga helay Meydka Gabadhaan 13 Sano jirka aheyd Deegaanka Embera muddo la weysanaa kadib.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply