Afhayeenka Galmudug “Xerada Inji kama Bixi Karaan Sheekh Shaakir & Madaxda Ahlusuna”

Ahlusuna Waljamaaca Madaxdeeda ayaa hadda umuuqda mid xanibaad lagu soo rogay loona diiday inay ka baxaan Xerada Inji oo ay kusugan yihiin.

Inkastoo Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud ay Saxaafada usheegeen Maanta siyaabo kala duwan waxa hadana muuqata in laga hor istaagay inay ka baxaan Xeradaas.

Afhayeenka Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo BBC SOMALI Duhurnimadii La hadlay waxa laga dhadhansan karay Warkiisa in Madaxda Ahlusuna ay ku hayaan Xerada Inji.

Su’aal la weydiiyey oo aheyd Inay Culimada Ahlusuna guryahooda aadi karaan ayuu sheegay inay ka horeyso in laga xisaabtamo khasaaraha ka dhashay Dagaalkii 24 Saac ka badan socday Ee Dhuuso mareeb ka dhacay Shalay jimcihii.

Xaalada guud ayaa sida kale deggan mana jirto wax rasaas ah,inta badan Magaalada Caasimada U ah Galmudug Dawlada ayaa la wareegtay iyadoo Ahlusuna ay ku dhawaaqeen inay iskaga baxeen Arimihii Siyaasada Galmudug,taas oo ka dhigan in Qoor qoor yahay Madaxweynaha Keliya Galmudug Ee Dhuuso mareeb jooga.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply