Al Shabaab & Ciidanka Jubbaland Oo Dagaal Hadda Ku Dhexmarayo Duleedka Kismaayo

War gorodhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in Duhurnimadaan uu dagaal ka socdo Duleedka Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Jubbaland ayaa waxay ka hortegeen dhaq dhaqaaq wadeen Al Shabaab,islamarkaana weerar ay soo qaadeen Al Shabaab.

Deegaanka Janaay Cabdalla oo 60 KM ujira Kismaayo ayaana Al Shabaab ay weerareen fadhiisin ciidanka Jubbaland Dhawaan halkaasi ka dhigteen.

Tuulada Lafa gari Ee Janaay Cabdalla Hoostagta ayaa dagaalka Xooggiisa uu ka socdaa,iyadoo Khasaaro uu jiro,inkastoo weli la ogeyn waxyeelada.

Ciidamo gurmad ah ayaa laga daabulay Kismaayo oo furinta Dagaalka la geeyey,welina rasaas xoog leh ayaa la maqlayaa,iyadoo dadkii deegaanka ay barakaceen intooda badan.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply