Al Shabaab Oo Badhaadhe Nin Dhalinyaro Ahaa Ku Toogtay

Degmada Badhaadhe Oo Al Shabaab Gacanta ku hayaan Gobolka Jubada Hoose waxaa lagu toogtay Nin la sheegay inuu ku Eedeysanaa Dil.

Garsoorka Al Shabaab Ee Deegaankaas waxay sheegeen in Cadeymo la helay awgeed kadib lagu fuliyey ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Soomoow San weyne iyadoo uu dilay Nin la dhihi jiray Axmed Cabdullaahi.

Fagaaro ku yaalla Badhaadhe ayey Al Shabaab ku toogteen ninkaan oo hore Dil ugeystay Sida ay sheegeen Qof shacab ahaa.

Ma ahan markii ugu horeysay Al Shabaab toogasho ku dilaan qeybo katirsan Deegaanada ay maamulaan dad ay ku Eedeeyeen Jaajuusnimo ama Xad kale ay ku Eedeeyeen.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply