Al Shabaab Oo Qarax Ismiidaamin Ah Saaka Kula Jarmaaday Deegaanka Goof guduud Ee Gobolka Bay

Saaka Aroortii waxaa uu dagaal ka dhacay Deegaanka Goof guduud Ee Gobolka Bay,kadib markii ay Al Shabaab weerareen Deegaankaasi.

Weerarka ayaa ku bilowday Qarax Ismiidaamin loo adeegsaday oo lagu dhuftay Albaabka hore Ee Xerada ciidanka Dawlada kulahaayeen Halkaasi.

Warbaahinta Al Shabaab waxay sheegeen in lagu laayey Askartii kusugneyd Deegaankaasi,islamarkaana ay la wareegeen Xeradaasi sida ay warka udhigeen.

Ciidamo gurmar ah ayaa ka baxay Magaalada Baydhabo ayaa gaaray Deegaankaasi,iyadoo dagaal culus uu dhacay,inkastoo khasaaraha weli la ogeyn.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply