Al Shabaab Oo Sheegay in Askar Katirsanaa Jubbaland Isku soo dhiibeen

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegeen inay isku soo dhiibeen shan Askari oo katirsanaa Dawlad Gobolleedka Jubbaland.

Warbaahinta Internet-ka Al Shabaab ayey ku faafiyeen in Askartaan kasoo goosteen Saldhiga Ciidan Ee Deegaanka Cabdalla Biroole Galbeedka Kismaayo ku yaalla.

Hubkooda ayey Wateen Askartaan sida ay Al Shabaab sheegeen waxaana Magacyadooda lagu kala sheegay:

1-Maxamed Cali Bakar

2-Aadan Cismaan Cumar

3-Xuseen Ibraahim Xasan

4-Cusmaan Maxamed Cabdullaahi

5-C/qaadir Cumar

Ma ahan markii ugu horeeysay Oo Al Shabaab sheegaan in Askar kasoo goostay dhinaca Jubbaland isku soo dhiibeen,ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay Dhanka Laamaha Amniga Jubbaland oo ay kaga hadlayaan Arintaasi.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply