Al Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degmada Afgooye & Jawiga Jira Saaka

Wararkii ugu dambeeyey Ee naga soo gaaraya Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Xaaladu ay Saaka tahay mid Deggan.

Habeenimadii Xalay ayaa Dagaal yahano katirsan Al Shabaab waxay weerar ku qaadeen Fadhiisimo Ciidamada Dawlada ku lahaayeen Degmada Afgooye.

Baro koontarool oo laga ilaaliyo Afgooye ayaana la beegsaday waxaana dagaal saacad ka badan la sheegay in uu socday khasaarahana habeen oo ay aheyd aan la ogaan Karin.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in rasaasta iyo hubka kala duwan la isku adeegsaday taas oo qal qal gelisey oo aysan badankood hurdada si fiican xalay uladin.

Dhowr mar ayey Al Shabaab weerar ka fuliyeen Afgooye,mana jirto cid ka hadashay Dagaalkaasi Maamulka Degmadaasi,Kan Gobolka Sh/Hoose ama Dhanka Al Shabaab.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply