Al Shabaab Oo Weeraray Deegaanka Baar Sanguuni Ee Duleedka Kismaayo

Dagaal Xoog leh ayaa waxa uu ka dhacay Maanta Deegaanka Baar Sanguuni Ee Duleedka magaalada Kismaayo halkaasi oo ciidamada Jubbaland iyo Xoogga Dalka kusugnaayeen ayaa la weeraray.

Al Shabaab iyo Ciidankii deegaankaasi kusugnaa ayaana isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan,iyadoo ay adag tahay Xogta Khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi.

Taliyaha Guud Ee Ciidamada Jubbaland Aadan Ibraahim Goojaar ayaa sheegay in Hal Askari uu ka dhintay Labo Askari kalena ay,kaga dhaawacmeen Dagaalkaasi.

Dhanka Al Shabaab war kama soo saarin Dagaalkaasi maanta ka dhacay Deegaanka Baar Sanguuni oo ka mid aheyd meelihii Shabaabka laga saaray Bilo ka hor.

Waa mid ka mid ah Meelaha Dhufeysyada laga ilaaliyo Kismaayo ayaa ciidamada kusugan ay dhowr jeer sheegeen in la fashiliyey Duulaan Al Shabaab ku qaadi rabeen Deegaankaasi.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply