Amiirka Qatar iyo Madaxweyne ku xigeenka Golaha Madaxbanaanida Suudaan oo kulmay.

Amiirka Dowladda Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa kula kulmay magaalada caasimada ah ee Doha, Muhammad Hamdan Dagalo (Hemedti), Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Madaxbanaanida Ku-meelgaarka ah ee Suudaan iyo wafdiga la socda, inta uu socday kulanka waxay ka wada hadleen labada dhinac xiriirka labada dal.

Wakaaladda wararka ee Qatar (QNA) ayaa sheegtay in martida ay warbixin ka siisay Amiirka dalka xaaladihii ugu dambeeyay ee xaaladda Suudaan, ugana mahadceliyay mahadnaqna ay u muujiyeen mowqifyada taageerada ee Qatar ee dhinacyada oo dhan iyo dadaalkeeda ku aaddan sidii nabad loogu heli lahaa Daarfuur.

Hemedti wuxuu yimid Doha shalay oo sabti Eheed booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah ee sarkaal sare oo reer Suudaan ah tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Cumar al-Bashiir 11-kii Abriil, 2019.

Madaxweyne ku xigeenka Golaha Madaxbanaanida Suudaan waxaa booqashadan ku weheliya Wasiirka Arimaha Dibada Cumar Qamar al-Diin, iyo Agaasimaha Waaxda Sirdoonka Guud, Jamal Abdul Majeed .

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply