Anisa Yareey Oo Ka mid aheyd Bahda Fanka Oo Galabta Geeriyootay

Waxaa Maanta gelinkii dambe la xaqiijiyey inay geeriyootay Anisa Yareey oo ka mid aheyd Bahda Fanka Soomaaliyeed.

Anisa ayaa eheladeeda iyo Saaxiibadeed waxay inoo xaqiijiyeen inay geeriyootay inkastoo Xanuun hayey aan lasoo tebin.

Muddooyinkii dambe waxay katirsaneyd Bahda Filimada Tarjumaada Af Soomaaliga saarta Ee Fanproj,waxaana ay sheegtay dhowr mar oo la wareystay in qeybta Majaajilada ay ku fiicneyd.

Balse inay ku geeriyootay Magaalada Nairobi Caasimada Dalka Kenya ayaa Asxaabteedii Anisa Yareey usheegeen Idaacada Kaah Mqudisho.

Hadaba Muuqaal laga duubay Ay kaga warameyso Taariikhdeeda Fanka ayaa Astaan Tv ay kaga warantay Marxuum Anisa Yareey 9 Bil ka hor.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply