Argagax Leh Oo Maanta Ka Dhacday Muqdisho,Nin Is Gowracay!!

Sida ay Inoo xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ah waxaa maanta gelinkii hore is gowracay nin dhalinyaro ah gudaha Suuqa Bakaaraha.

Sawir lagu faafiyey Baraha Bulshada ayaa laga arki karay nin Gar weyn leh oo mindida sumadeeda ku taallay halka uu isku gowracay,meydkiisa ayaan lagu arkay Halkaasi.

Meel ku dhaw Suuqa Maacuunta ayaana la sheegay in dhacdadaan ay ka dhacday,taas oo dad badan iskugu soo xoomeen goobta meydka uu yaallay.

Da’diisa ninkaan waxaa lagu qiyaasi karaa 30 ilaa 40 sano jir.

Lama oga waxyaabaha sababay in ninkaan uu is dilo oo naftiisa miidaamiyo Gowracna ku sameeyo,tani hore ugama aysan dhicin Muqdisho in Qof isaga is dilo weliba isagoo adeegsanaya Mindi ama Tooreey.

Ma jirto cid ka hadashay Laamaha Amniga Dawlada oo markii dambe la sheegay in ciidanka ay halkaasi gaareen.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply