Askari Katirsan Ciidanka Dawlada Oo Saaka Lagu Dilay Isgoyska…

Dableey Hubeysan ayaa waxay ku dileen Saaka abaare 8:40 Am Aroornimo Askari katirsanaa Ciidanka dawlada Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Geed jaceyl iyadoo askariga la dilay Meydkiisa in cabaar ah yaallay goobta lagu khaarajiyey.

Goob joogayaal waxay Idaacada Kaah usheegay in kooxda dilka geysatay ay ka baxsadeen Meesha.

Ciidamo katirsan Dawlada Soomaaliya ayaa goobta gaaray iyadoo Meydka Meesha ka qaaday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo lagu dilo Askar katirsan Ciidanka Dawlada Soomaaliya gudaha Magaalada Muqdisho.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply