Axmed Madoobe Oo Ku Laabanaya Maanta Dhoobleey

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam (Madoobe) balse weli Aqoonsiga Dawlada Soomaaliya aan ka helin ayaa Maalmo kadib ku laabanaya Magaalada Dhoobleey Ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamo Dheeraad ah ayaa Dawlad Gobolleedka Jubbaland la sheegay inay geysay Magaalada Dhoobleey kuwaas oo la sheegay inay ku xoojineyso Askarteeda kusugan Duleedka Mandheera Ee Wasiir Janan Hogaaminayo.

Axmed Madoobe ayaa waxa maanta oo isniin ah la filayaa inuu ka baxo Kismaayo isagoo kulamo kula yeelan doona Dhoobleey Markii uu gaaro Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu Dhoobleey kadib usafri doono Magaalada Nairobi halkaasi oo ay kaga sii horeeyaan Xubnaha Isbadel doonka Jubbaland kana mid yihiin C/rashiid Xiddig,Sheekh Daahir Axmed C/llaahi iyo C/naasir Seeraar Maax.

Warar kale ayaa sheegaya Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu Kismaayo ku laaban doono Maanta oo isniin ah kadib Bilo uu ka maqnaa Magaaladaasi.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply