Axmed Madoobe Oo Maanta Hortagaya Aqalka Sare.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” Ayaa Maanta Hortagaya Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Dalka, Halkaas Oo Uu Ka Jeedin Doono Qodbad Islamarkaana Uu Ka Jawabi Doono Su’aalo Ay Waydiiyan Senetarada Aqalka Sare Ee Dalka.

Madaxwayne Axmed Madoobe Ayaa Qodbadiisa Diirada Ku Saari Doona Xaaladaha Guud Ee Deeganada Mamulka Jubalanad Oo Ay Ugu Muhiimsanyihiin Dhinacyada Amniga Iyo Dhaqaalaha.

Sido Kale Hogaamiyaha Jubaland Ayaa Golaha Aqalka Sare Warbixin Kasiin Doona Waxa Uu Daaranyahay Socdaalkiisa Muqdisho Iyo Kulamada Uu La Leeyahay Madaxda Ugu Saraysa Ee Dalka.

Inta Kadib Madaxwayne Axmed Madoobe Ayaa Ka Jawab Celin Doona Su’aalaha Ay Waydiinayaan Mudanayaasha Ku Jira Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamanka Dalka.

Axmed Maxamed Islaam “Madoobe”, Madaxwaynaha Jubaland Ayaa Maalmihii Lasoo Dhaafay Ku Sugna Magaalada Muqdisho Oo Uu Uyimid In Madaxda Ugu Sareysa Dowlada Somalia Kala Hadlo Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka Iyo Doorashoyinka Loo Madlanyahay Dabayaaqada Sanadkan.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *