Baarlamaanka Puntland Oo Go’aamiyey In Doorasho Dhacdo Axada Isbuuca Dambe

Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa muddeynta wakhtiga Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha xuquuqda Aadanuhu Maamulka Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada PL ayaa cod Aqlabiyad ku ogolaaday in maalinta
Axad oo bishu tahay Luuliyo 19, 2020 ay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha xuquuqda Aadanuhu Puntland sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 117-aad.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply