Bakistaan iyo Daalibaan Oo Ku Heshiinaya Dalka Qatar



Mareykanka ayaa waxa uu mar kale doonayaa in Daalibaan iyo Bakistaan ay Ka heshiiyaan Dagaal wejiyo kala duwan lahaa oo Dalkaasi ku dhexmaray.

Kadib Isbuuc ka hor oo Heshiis dhexmaray Daalibaan iyo Dawlada Afgaanistaan ayaa markaan la rabaa in Bakistaan hadana heshiis kala saxiixdaan.

Magaalada Doxa Ee Caasimada Dalka Qatar ayuu tegayaa Ra’iisal Wasaaraha Bakistaan Imran Khan,maanta oo Khamiis ah sida Warbaahinta qaar ay sheegeen.

Qorshaha waxa uu yahay in 29 Bishaan oo ku beegan Maalinta Sabtida uu Heshiis Dhexmaro Bakistaan iyo Saraakiil ka socota Daalibaan kuna heshiinaya Doxa.

Waa Markii Labaad uu Tegayo Imraan Khan Dalka Qatar iyadoo Maanta ilaa Berri la kulmi doono Amiirka Dalka Qatar Ninka la yiraahdo Sheikh Tamim bin Hamad .

Xigasho: hindustantimes

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi



About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply