BANAANBAX LOOGA SOO HORJEEDO CIIDAMADA DOWLADA OO KA BILOWDAY MUQDISHO….

Waxaa saakay Maaagalada muqdisho iskuugu soo baxay banaanbaxayaal careysan,ka dib markii xalay degmada boondheere askari ka tisan ciidmada booliska uu ku dilay laba ruux oo shacab.

Banaanbaxayaashaan careysan Ayaa waxa iskuugu soo baxeen waddooyinka maagalada,iyagoo gubaayo taayaro waxa ayna Dowlada Soomaaliya ka codsanaayaan in ay cadaalada horkeenan askarigii ka danbeeyay dilkaasi.

Taliska ciidamada booliska ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen askarigii dadka shacabka ku dilay degmada boondheere ee Gobolka Banaadir.

Dable xasan Aadan Xasan oo Tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxaa loo taxaabay xabsiga,ka dib uu laba ruuxn shacab uu dilay degmada Boondheere.

Dadkaani careysan ayaa waxaa hormuud ka ah dhalinyaro,kuwaas oo ka dhiidhinaayo dilkii loo geystay laba ruux ee deganaa degmada Boondheere.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply