Bandowgii Muqdisho Habeenkii Saarnaa Oo Isbadel Lagu Sameeyey

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Xijaar Oo Maanta Casirkii Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dhibta gaartay Shacabka Xalay iyo Labadii Qof Ee La dilay.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in isbadel lagu sameeyey Xilligii Bandowga uu saarnaa Muqdisho isagoo sheegay in 8:00 Fiidnimo dib loogu celiyey oo 7:00 Fiidnimo laga badelay.

Cabasho ka timid Shacabka ayaana Taliska Boolisku sheegeen inay Labo Saac dib loogu celiyey Xilligii Bandowga saarnaa Caasimada.

Waxaa Xalay Lagu Dilay Muqdisho Labo Qof Shacab ah,iyadoo lasoo sheegayo in Ciidamada La faray in ay unaxariistaan Shacabka,xilliyada Bandowga uu jiro.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply