Bandowgii Saarnaa Muqdisho Oo Lasii Adkeeyey

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar Oo Gelinkii Dambe ka hadlayey Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay Bandowgii Saarnaa Muqdisho iyo Isbadel ku yimid.

Waxa uu Taliyuhu Sheegay in 7:00 Fiidnimo Bilaaban doono Habeenka koobaad Ee Bisha Ramadaanka,islamarkaana ay Tallaabo qaadi doonaan.

Taliye Xijaar ayaa sidoo kale sheegay in Maqaayadaha aysan furnaan karin inta lagu guda jiro Bisha Ramadaanka,taas oo Xilligii Maalintii ah la furi karin.

Waxay Dawlada Soomaaliya Amar Culus dul dhigtay Gaadiidka BL-ka Dadweynaha raacaan siiba Caasiyada in dadka aysan qaadi karin wax kabadan inta uu qaado Kala barkiisa.

Tusaale ahaan Hadii Baabuuka BL-ka raaci karaan 20 Qof waxaa laga rabaa inuu 10 Qof qaado waa sida Amarka ku xusneyd,isagoo digniin udiray Dhalinyarada Habeenkii Kubada ku ciyaara Magaalada meelo ka mid ah oo Bandowga dhaqan geliyaan.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply