DHAGAYSO:C/rashiid Janan oo qiray in askar looga qabtay dagaalki beled-xaawo.

Wasiirka Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland cabdi rashiid janan ayaa markale ka hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee goblka Gedo iyo qorshaha kaga degsan degmadaasi.

Wasiir Janan oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in sababo jiray aawgeed ay uga baxeen degmada Beled-Xaawo ee gobolka gedo kadib markii ay Ciidamada dowladda kala wareegeen degmadaasi.

Waxaa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay dagaalka u adeegsatay hubkii dowladda turkiga ugu deeqday Soomaaliya ee loogu talo galay in lagula dagaalamo Al-Shabaab. Waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cabdi Rashiid Janan oo wax laga weeydiiyay Ciidamadii ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay ku qabatay dagaalkii Beled-Xaawo ayaa qirtay in dagaalka looga qabtay 16 askari halka uu sheegay in 36 kale ay iyaga isdhiibeen.

Dowladda Soomaaliya & Maamulka Jubbaland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Beled-Xaawo 25-kii Bishii la soo dhaafay ee Janaayo, iyada oo midba midka kale uu guulo ka sheegtay dagaalkaasi..

Isku soo wada duub Maamulka jubalan iyo dowlada somaliya ayaa wxa ka dhaxeyo khilaaf soo jiitameyey in mudo ah kaas oo salka ku haya arinta gobolka gedo…

Halkaan Hoose ka dhagayso.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply