C/raxmaan C/shakuur Warsame Oo Eedeyn Ujeediyey Dawlada Dhexe

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa waxa uu Ku Eedeeyey Dawlada Soomaaliya inay Hubkii loogu talo galay Al Shabaab in lagula dagaalamo ay udaabushay Magaalada Dhuuso mareeb.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur waxa uu hoosta ka xariiqay in tani ay ka xun yihiin sida ay wax udhigeen.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Waxaa Ilo-xog-ogaal ah ii xaqiijiyeen in shalay galab Dowladda Federaalka ah Dhuusamarreeb ka dejisay hubkii Ciidanka Gaashaan lahaayeen ee loogu tala galay in Al-shabaab looga saaro Hotel-lada ay qabsadaan. Waa hub derbiyada duleeliya, laaguna tala galay in meeshii lagu rido aanay suntiisa cidna ku noolaan, wuxuuna gubayaa qofkii uu gaaro ama ku ag’ dhaco.

Hubkaas iyo wiilashii Ciidanka Gaashaan oo loogu tala galay la dagalaanka Al-shabaab amarkiisa waxaa si wadajir ah u go’aamiyey Madaxweynaha, R’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha Nabadsugidda. Waa in la ogaado in (xasuuqii xalay Dhuusamarreeb ka dhacay uu danbi dagaal yahay).

Dowladda Federaalka ah iyo dadkii ka soo horjeeday Ahlusunna waxay ku faraxsan yihiin xasuuqa loo geystay dhalinyaradii sanadaha badan deegaanka ka ka hortaagnaa Al-shabaab iyo xaqiraada lagula kacay hoggaankii Ahlusunna.

Hogaanka Dowladda iyagoo kara wado waan waan iyo wadahadal ah ayey dagaal iyo colaad ka doorbiday. Sababtuna waa hamuunka ay adkaasha u qabaan. Waa wado ay sedaxdii sano ee na dhaaftay ku taagnayeen.

Hoggaanka Ahlusunna maalintii ay tabarta hayeen way tala diideen, waxayse su’aashu tahay inta kale ee maanta weli tabarta haysa, ma haleeli doonaan talo ay xasuuqa iyo xaqiraada ku soo fool leh isaga badbaadiyaan?

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply