Ciidamada Dowlada Oo Howlgal Miino Baaris ah ka Sameeyay…..

Ciidmada Kumaandooska Soomaaliya ayaa howlgal Miino Baaris ah waxa ay sameeyeen Waddada isku xirta Janaale iyo Magaalada Marka Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada inta ay Howlgalada ka  wadeen wadadaasi ayaa waxa ay Soo saareen Miinooyin ay al shabaab ku dugeen wadada dhinaceeda sida ay sheeqeen Saaraakiisha Ciidamada Hogaamineysay.

Howlgalka ayaa waxaa hogaaminaayay Taliyaha Ciidamada Dhulka Ganeral C/xamiid Maxamed Dirir ayaa waxa uu  sheegay in Ciidamada howlgalka Fuliyay ay Ku Guuleysteen In soo saaraan miinooyinka ay al shabaab ku Aseen wadadaasi.

Ciidamada inta ay howlgalka  ku jireen waxa ay socod dheer ku mareen Deegaanka Buufoow bacaad oo u dhaxeeyo Degmada Janaale iyo magaalka marka Ee Gobolka shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidamada Dhulka ayaa  Sheegay in u jeedka Howlgalkaasi uu ahaa mid lagu xaqiijinaayay amniga degmooyinka Gobolka shabeelaha Hoose.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply