CIIDAMADA KUMAANDOOSKA SOOMAALIYA OO WAREEGAY DEEGAANO KA TISRAN G/JUBBOOYINKA…..

Wararka naga soo gaarayo duleedka magaalada kismaayo ayaa waxa ay sheegay in sacadihii ay soo ay Ciidanka Kumaandooska Soomaliya ay Danab ay ka fuliyeen howlgal qorsheysan.

Ciidmada danab Ayaa howlgalkaasi waxa ay kula wareegeen deegnaada Cabdi Dhoore iyo Beerxaani,halkaasi ay ku suganaayeen xarakada alshabaab.

Sarakiisha hogaamineysay Hawlgalkasi ayaa waxa ay sheegeen in ay alshabaab ay siga baxeen degaanadaasi,iyagoona sheegay in ay si nabad ay kula wareegeen deeganada Cabdi Dhowre iyo Beerxaani ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Taliayha Ciidamada Danab ee Gobolada Jubooyinka Gaanshaale Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi ayaa waxa uu sheegay in ciidamada ay ka dulqaadeen dadka shacab ay degan deeganada Cabdi Dhoore iyo Beerxaani dhibaayin kala Duwan ay Qabeen al shabab sida uu hadalka u dhigay.

Taliya Oo Hadalkiisa sii watta ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada ay sii wadi doonaan wajibaadka saaran,asigoona sheegay in hadda ay ku sugan yihiin deegaanadii ay kala wareegeen alshabab.

Saakay waxaa degan xaalada deegaanada ay la wareegeen  ciidamada danab,Saraakiisha Ciidamada ayaa waxa ay kulamo la qaadanaayaan odoyaasha iyo bulshada degan deegaanada ay la wareegeen.  

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply