Ciidamada Kumaandoosta Oo Howlgal Qorsheysan Ka Fuliyey…

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Gacanta kusoo dhigay xubno lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ka dib howl-gallo qorsheysan oo ay ka sameeyeen nawaaxiga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Danab ayaa sheegay in Dadka ay soo qabteen oo u badan Dhallinyaro ay marsiin doonaan baaritaanno, kadibna ay sii deyn doonaan Qofkii ay dembi ku waayaan.

Saraakiisha ayaa waxay sidoo kale sheegeen in howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadi doonaan qorshahuna uu yahay in ay u ruqaansadaan degaannada ay Al Shabaab kaga sugan yihiin Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply