Ciidanka Danab Oo Sheegay inay soo bad baadiyeen Carruur ay Al Shabaab Qafaasheen

Ciidamada Xoogga Dalka qeybtiisa Kumaandooska ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Dagmada Kuntuwaarrey ee Gobalka Shabeellaha hoose waxey ku soo furteen 33 Carruur ah oo aan qaangaar aheyn, kuwaas oo ay si qasab ah uga soo wateen waaliddiintooda Al-shabaab si ay u baraan afkaarta xagjirnimada ah ee ay aaminsan yihiin.

Ciidamada ayaa markii ay la wareegeen gacan ku heynta dagmada waxay tageen xerada lagu hayay Carruurtaan  iyagoo markii soo furteen si nabad ah ugu wareejiyay eheladooda.

Sidoo kale Howlgalka oo bartilmaameedkiisu  ahaa Horjoogeyaal iyo rag lagu daba joogay oo ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo qab qabtay Tobaneeyo ka tirsan Alshabaab oo qaarkood ku xirnaa Saldhiga Dagmadaas.

Inta Howlgalka ay ciidamadu ku guda jireen ayay heleen xog dheeraad ah oo ku saabsan goobaha ay Al Shabaab ku diyaariyaan Qaraxyada, waxaana halkaas laga qabtay Miinooyin iyo Maadooyin farabadan oo qaraxyada loo adeegsado,sida lagu sheegay Qoraal lasoo dhigay Wakaalada Qaranka Soomaaliyeed Ee SONNA.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid lasii qorsheeyay islamarkaana uu sii socon doono.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply