Ciidanka Dawlada Oo Muqdisho Ku Dilay Wiil Dhalinyaro Ahaa

Sida ay inoo sheegeen dad ka ag dhawaa meesha dilka ka dhacay waxaa ciidan katirsan Dawlada Soomaaliya ay ku dileen Isgoyska Siinaay wiil Dhalinyaro ahaa.

Marxuumka la dilay oo ahaa mid dhawaan ka qalin jebiyey Jaamacad ku taalla Muqdisho ayaa waxa muran uu soo kala dhex galay Askar meesha kusugneyd.

Ciidanka ayaa waxay ka shakiyeen wiilkaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Abuukar Tuur Yare,taas oo sababtay in la toogto.

Meydkiisa ayaa daqiiqado kadib laga qaaday Halka lagu dilay iyadoo ciidamada Amniga ay xaalada caadi kusoo celiyeen muddo ay kacsaneyd kadib.

Jimcihii Maalmo ka hor ayaa sidaan oo kale wiil dhalinyaro ahaa waxa lagu dilay meel ku dhaw Isgoyska Howlwadaag Ee Muqdisho,kadib ciidamada Amniga oo ka shakiyey inuu hubeysnaa wiilkaasi la dilay.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply