Colombia Oo Saaka Xiratay Xuduudkeeda Dalka Venezuela (Sababta)

Madaxweynaha Dalka Colombia Iván Duque ayaa amray in la xiro Dalkiisa Xuduuda uu la wadaago Waddanka Venezuela Cabsi laga qaaday Cudurka Corono.

Si looga hortego Cudurkaas inuu Colombia u gudbo ayey Dawlada Amarkaas ku xiratay Xuduudaheeda,islamarkaana Dalka ay deriska yihiin Venezuela laga arkay qof qaba Cudurka.

Madaxweyne Iván Duque ayaa Xalay Wakhti dambe ku dhawaaqay in la xiray Xuduuda Dhinaca Venezuela halka loo yaqaano Andean .

Saaka oo Sabti aheyd 5 Aroornimo ayaana la sheegay in si rasmi ah Xuduuda Loo Xanibay oo wax ka gudbayey ma jirin taas oo lagu fulinayey Amarkii Madaxweynaha Dalka Colombia soo saaray.

Labada Dal ayaa waxay wadaagaan Xuduud dhirir ahaan fidsan Labo Kun iyo labo Boqol Kilmo mitir una dhiganta Kun seddex boqol iyo Todobaatan Meyl,waxaana kumanaan dalka Venezuela udhashay ay maalin kasta Colombia uraadsadaa Cunto iyo Caafimaad,kadib xasarado Dalkooda hareeyey oo aafeeyey dhaqaalihii Waddanka Venezuela.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply