Dab Xoogan Oo Qabsaday Guryo Fara Badan Oo Ku Yaala Australia.

Dab Xoogan Oo Ay Adkaatay Xakamayntiisa Ayaa Gobolka Perth Ee Dalka Australia baabi’iyay ilaa 30 guri Oo Ku Yaala Gobolkaasi Iyadoo Cabsida Laga Qabo In Uu Sii Kordho Dabkana Ay Aad Usarayso.

Dabka oo dhererkiisu yahay 7,000 hektar ayaa qarxay Isniintii wuxuuna Soo Gaaray Ilaa Iyo Maanta Iyadoo Dabku Uu Saamyn Ku Yeeshay Goobo Ay Kamid Yihiin  Mundaring, Chittering, Northam, iyo Swan.

Duqa magaalada Swan Kevin Bailey ayaa sheegay in ka badan 30 guri la rumeysan yahay inay dumeen.

“Waxaan kaliya sugeynaa xaqiijinta lambarrada laakiin waxaan Haynaa ku dhowaad 30 Oo Dhulka Kahoosmaray,” ayuu yiri Mr Bailey.

Wuxuu sheegay in hal dabdamis Ay Ku Dhagtay neefta Islamarkana Aysan Jiri dhaawacyo kale Amaba Cid Kale Oo Qasaaro Kasoo Gaartay Dabkan Ka Holcaya Australia.

Craig Waters, oo ah agaasime ku xigeenka Waaxda Adeegyada Dab-damiska iyo Gurmadka ee Galbeedka Australia, ayaa sheegay in dabka xalay laban-laabay isla markaana uu gubtay 7,366 hektar oo dhul beereed iyo dhir ah.

“Dabeylo xoog leh ayaa naga horjoogsanaya in aan gudaha u galno oo aan xakameyno dabka,” ayuu yiri.

Raiisel wasaaraha gobolka Mark McGowan ayaa sheegay in 80% dhamaan guryaha u dhow Gidgegannup ee waqooyi-bari xeebta Perth la waayey.

Dab-damiska ayaa baari doona haddii ay jiraan wax dhaawacyo ah, ayuu Hadalkiisa Sii Raaciyay.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply