Dagaal Al Shabaab & Dawlada Ku Dhexmaray Xalay Duleedka Balcad

Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo iyo khasaaro ka dhashay

Deegaan Lagu magacaabo Ceelka Geeloow oo Duleedka Degmada Balcad ku yaalla ayaa la sheegay in habeenimadii xalay ku dagaalameen Ciidamada Dawlada iyo kuwa Al Shabaab.

Daryanka rasaas xoog leh ayaa la maqlayey,waxaana adag in la helo xog faah faahsan oo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ah.

Ilaa hadda waa ay yar tahay khasaaraha in la ogaado,waxaana la sheegay in Xaaladu ay saaka tahay mid deggan.

Askarta Dawlada Soomaaliya ayaa la sheegay in howlgal ballaaran ay saaka ka wadaan Degmada Balcad duleedkeeda gaar ahaan deegaankii xalay dagaalku ka dhacay.

Ma jirto war kasoo baxay Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Taliska Meliteriga Ee Aagga Lagu dagaalamay xukuma oo ay kaga hadlayaan wixii xalay halkaasi ka dhacay.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply